Xeerarka Somali Law Academy Oo Qoraal Ah. Fadlan Akhriso Si Aad Ufahamto

Waa kuwan xeerarka Somali Law Academy, si kooban oo la fahmi karo:


Xaqa iyo Xadidaadda Isticmaalka Madasha Somali Law Academy:

  1. Xuquuqda Mulkiyadda:
    Dhammaan waxyaabaha ku jira madasha (muuqaallo, qoraallo, slides, PDF, iwm) waxaa iska leh SomaliLawAcademy.com.
    ➤ Waa mamnuuc in:
    • Lagu isticmaalo meel kale.
    • Loo beddelo qaab ganacsi.
    • La faafiyo adigoon haysan ogolaansho rasmi ah.
  2. Isticmaalka Koorsada:
    Ardaygu wuxuu kaliya xaq u leeyahay:
    • Inuu daawado muuqaalada koorsada uu isdiiwaangeliyey.
    • Inuu isticmaalo website-ka si gaar ah.
  3. Account-ka Ardayga:
    • Hal qof ayaa isticmaali kara account kasta.
    • Waa mamnuuc in la wadaago account.
    • Haddii lagu arko inaad ka gasho meelo kala duwan ama la tuhmo in la wadaagayo — si toos ah ayaa lagaa saarayaa (logout) adigoon la ogeysiinin.

🚫 Mamnuuc! (Waxyaabaha La Diiday)

  1. La soo dagista Muuqaalada (Downloading):
    • Koorsadu waa “Daawo oo Baro” (Streaming only).
    • Muuqaalada lama soo dagi karo.
    • Kaliya waxaa la oggol yahay inaad soo dejiso waxyaabaha la socda koorsada sida slides ama PDF.

📸 Sawirka Profile-ka

  1. Sawirka Profile-ka:
    • Waa in ardaygu geliyo passport photo 6×6 oo muuqaal cad leh (wajiga laga arko).
    • Account aan lahayn sawirkaas waa la xidhayaa.

💸 Qiimaha Koorsada & Asturnaanta Xogta

  1. Qiimaha Koorsooyinka:
    • Wuxuu isbedeli karaa wakhti kasta.
    • Go’aankaasi waa mid maamulka kaliya leh.
  2. Xogta Ardayga:
    • Waa la asturayaa xogtaada.
    • Lama wadaagayo cid kale (shaqsi ama shirkad).
    • Somali Law Academy waxay ballanqaadaysaa ilaalinta xogtaada.

🛠️ Taageero & Cawimaad Farsamo

  1. Haddii aad la kulanto cilad farsamo (sida in aad gasho kari weydo account-kaaga), waxaad kala xiriiri kartaa:

⚠️ Talooyin Muhiim ah:

  • Si aad uga fogaato in account-kaaga la xiro, hubi:
    • In aad keligaaa isticmaasho account-ka.
    • In aad sawirkaaga saxda ah ku dartid profile-ka.
    • In aad muqaalada koorsada kaliya daawato, aadan soo dagin.
    • In aad u hogaansanto dhammaan shuruucda kor ku xusan.